A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U V W X Y Z

Xamar bile Lyrics

xurmiyo arashiyo wanaag
xaq dhawr wacaniyo dulqaad
hidiyo dhaqaniyo xishood
midii lagu xeerayeey

xabiibtaan doonayay
markaan xubiyey ku tabo
jidhkaa xubin xubin u kacoo
xusuustaada qalbiga
ku soo wada xaadirtoo
xasilay goortaan ku helay
xasilay xasilay goortaan ku helay

xariirta la daawadiyo
iftiinkii xamar bilaay
xulkii quruxdaa tahee
miyay xubiyey cid kale
macaan ku xaqiri kartaa

adaa xilkasnimo ku wacan
xan iyo kuma galo masayr
xogteenana nacab ma helo
gobaad tahay xila janooy
gobaad tahay xilo janooy

intii xusulkay xabaal
xaqiiq ka sareeyo'oo
dunida xay aan ku ahay
xilkeenooo aan gutiyo
qoyskeenoon xuman ka jiro
ayaan u xil saaranee
xasilay goortaan ku helay

Queue is empty
-- / --