xubnaha isku toosaniyo
xaadiyo kubkiyo gacmaha
xurmiyo sharaftaada badan
xariir weeye caqligu
haduu kuu xulay illaah
xanaaq li,i iyo xishood
garaad xeriyaa samaha
naftaada hadu xukumo
haday xididaha wadnahu
xidhiidh kula leeyihiin
dareenka xusuusta badan
qurudxa xubnahaaga bilan
qalbiga xoodaamiyoon
wadnaha xan xantaynayee
xabiibi kugu jantee
xayaati kugu jeclahay

dhamaan xaawalayda nool
hadaad xidigtooda tahay
jacaylka xaq baan u helay
haduu xiso wayn i baday
inaan xilo guur fikiro
haduu ii yahay xalaal
xumaan kaama mudanayee
xiskaaga sidaa u sheeg
inaan xuural cayn aduun
xarago badan kaa dhigto
xiskayga qaboojisaa
quruxda xubnahaaga bilan
qalbiga xoodaamiyo
wadnaha xanxantaynaye
xabiibi kugu jantoo
xayaati kugu jeclahay

Exit mobile version