Adoo ixumaynayaa
Anigu kuu laab xalnahayee
Xariirkayna iyo jacaylka
Adoon xaaleenbaa
Xagayga ilaaliyaaa

Naftayda adoo xaqiraan
Intaan xurmo xalgoobo
Adiga aan kugu xeranahay
Adoon marnaba igu xisaaabtamin
Haddana xiiso kuu haayaa

Caashaqan igu xooganee
Xiskayga iyo maanka dagay
Xujada aad igu wadidiyo
Intaas xaaladood
Inaan xamiloo ibadayee

Adoon xaqna ii turin
Ayaan kuu ahay Xabiib
Xiinkayga adoo aroosan
Anoo kula sii xifaaltamin
Xariir kugu daahayaa

Adoon xurguf iyo ilaal
Xajiin ii quurayaa
Aniga kuu hayaa xaqdhowr
Adoon nacab iga xigsadaa
Anaa samo kula xaal ah

Caashaqan igu xooganee
Xiskayga iyo maanka dagay
Xujada aad igu wadidiyo
Intaas xaaladood
Inaan xamiloo ibadayee

Exit mobile version