waxaa yu,ashadooda guurka
yusraay ku hantiyay nasiibka
labada yabyabee jacaylka
u yeesha samirkiyo dulqaadka
xasidka duminaaya yagleelka
intood yur ka tidha kalgacalka
ha yeelin sheekada namiimka
yusraay haka bixin hashiiska
yaqiintana ku hayso maanka
yadlaad ka tahaye jacaylka
naftaada ka saar yabaalka

markaad la yugnayd jacaylka
adoo yaaban oo kacdoonka
sawtaan yeelaneen dhambaalka
yusraay wada dhiganay wacadka
yuhuuntiyo talada guurka
ka saar tuhunkiyo yaabka
ha yeelin sheekada namiimka
yusraay haka bixin hashiiska
yaqiintana ku hayso maanka
yadlaad ka tahaye jacaylka
naftaada ka saar yabaalka

lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version