burco iyo hargaysiyo
waraaqyadii bocadwayn
bartay mudug ku taaliyo
baladwayne hiiraan
afartooda bilanee
aduunyadu ku badantahay
oo boqor illaahay
buuro rooba siiyay
dhirtu ay bislaatay
oo baad ku yaaloo
xoolaha barwaaqada
midabku u badalan yahay
barqo ruuxii daawada
siduu ugu bogaabaad
adna bilicda inanyahay
bilo iigu deeqdee
ana boogtii caashaqu
boga iiga taaloo
hortaa lay igu beeree
mayga baananaysaa

waaxyaaha banaadira
badhtankoodu xxamar yahay
o baladka jawhara
sonkortu ay kasoo bixi
balcadoo dharkii toli
caasimada bilicda
baygaa afgooyiyo
dhirta muusku buuxsamay
dhulka boqor illaahay
barakada ku dheehoo
bidixdiyo midigtaba
wabiyadu butaacaan
baashaalka tamashluhu
siduu ugu bogaabaad
adna bilicda inanyahaw
bilo iigu deeqdee

Exit mobile version