VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Udgoon badan - Lyrics

inaad asal tahay ayaan badaneey inaad ubax tahay udgoon badaneey waliba aynigaa u roontahayee inaad abyan tahay asluub badaneey inaad aqoontana iftiin tahayee aduunkana kuu jeclahay indhuhu adigay ku eeganayaan adigaan erayada amaan ku tirshaa odoros kalgacayl abaabul u galoo adaan aadmiga uumiyaha kuu jeclee ogow caashaqa ogow sidii ololkaan in dheer ka arkaa sidii eegankaan ku oonbaxayaa adaan anfaceey ku doogsanayaa adaan deeqaay ku doogsanayaa sidii ufo roob arooro da'diyo xareeda afkoo balayga il xidhay eegmada kalgacayl adaa igu wayn
Queue is empty
-- / --