nafaan ka dhamaan dareenka
intuu dhaawacay kalgacal
qalbiga nabaro ku dhigay
si dhaba ugu nugul jacaylka
dhibane ruuxaan u ahay
dharaar qura may xasuusan
qudhaydan darteed dhantaalan
anuunba samir dhitaysta
xageeda wanag ka dhawra
inaan dhayal kaga adkaysto
ka dhaadhici waa hankayga

maxaan ka dhursugay nasiibka
intaan dhiiri gali is faray
ka baaqo dhagxumo is idhi
waxani dhagar cadaaw ka wayne
dheeraad lama sidi karee
adoonsi jacayl ha dhawran
naftaydan dhagaysan wayday
anuunba samir dhitaysta
xageeda wanag ka dhawra
inaan dhayal kaga adkaysto
ka dhaadhici waa hankayga

Exit mobile version