dadyahaw soomaaliyeed d
hadaad dawladnimo rabtaan
inaad ku dabaal dagtaan
oo aad isk duubnidii
dalkeenu lahaan jiray iyo
doonaysaan kala dambayn
danteena si aan u gaadhno
daryeela agoonta oo
dabiiba kuwii ildaran
oo difaaca calankiyo dalkaba

dadyahoow soomaaliyeed
waxaa isku keen diroo
dib noo dhigay waa dagaal
qabiiliyo lagu dabaqay
dulmiga kii ugu darnaa
dawaa la rabaa midnimo
danteena si aan u gaadhno
daryeela agoonta oo
dabiiba kuwii ildaran
oo difaaca calankiyo dalkaba

Exit mobile version