VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhigeed - Lyrics

Dheehan mayso ishu dhugan mayso Dheegan mayso dhagtu maqlimayso Dhalan mayso dhigeed iman mayso Dheeliye mayso ilwaad dhici mayso Dhumin mayso sharafta dhigi mayso Dhaafi mayso dhaqanka xoori mayso Hahha inantu dheeman weeyi / Dhabeel weeyi kaafisa dheeman weeyi Dhamays weeyi filkeed ka dhex sheegan Dhiiran weeyoo kartida lagu dhalay Qofaan u dhigaa ma joogo dhulkaba Ka dheeree ALLOW dhamaan hadimada Dhoohan maahoo aqli dhiman maaha Dhoore maahoo sirta dhiiba maaha Dhafra maahoo habeen dhaxa maaha Dhangad maahoo warkeedu dhibsi maaha Dhakra maahoo quluubtu dhagax maaha Dhiba maahoo jacayl dhaawac maaha
Queue is empty
-- / --