Heesta Dheef - Lyrics
dhool soo hilaaciyo xareed doog dhex jiiftaay
dhiiga xididka qaadiyo dhaq dhaqaaqa wadnaha
tii la igu dheehaay dhulku igu fogaayoo
muuqaagu dheeraa jacaylkuna dhib badanaa
hadaan dhaayuhu ku qabanayn dhawaqaaga macaan
nafta aan ku dheefshee telefoon soo dhaciyo
dhanbaalada ha iga jarin
markaad dhoof ku duushaan ana kala dhantaalmmoo
la aantaa dab iyo dhamac uga dhigan dhankaygee
dhamaysaye hanaankiyo xubnahaagan kala dhigan
dhab mar kaan xasuustaan hurdo kala dhaqaaqnaa