dumarka dhamaan
taan ka doortayee
waad igu dhigantee
sida ducufadaa
ii daragtayoo
dusha iga rartoo
ma daalay tidhaa
dadnimadaada iyo
dantaad leedahaa
dabci quruxsaneey
kuu daba socdee
markaan dabin ku dhacay
ma igu daawataa

maahmaah duugaaba
dulucdeedu tahay
ma dumaalo dumar
ninkay dayriyaan
aan kula darkoo
dulqaad badana tidhi
dar ma wada gashoo
doqoniimo dhaxlaa
dadnimadaada iyo
dantaad leedahaa
dabci quruxsaneey
kuu daba socdee
markaan dabin ku dhacay
ma igu daawataa

Exit mobile version