labayohow jamaadkiyo joogiyo quruxdaba
rabi ugu jad gooyee jacayl dheer wadaagoo
jaanta isla qaadoo jeegaan sideedii
jalecada indhaha u wacan dadku wada
jeclaysteen
janadii la moodoow waxaan caawa joognaa
waa jamashadiinee cisa iyo naciimaay
jaaliyo xigaalkeenoow jac ka siiya sacabkoo
jaan dheerta wada tuma eey
labayohow jawiga iyo jaaniskooda wada helay
jaahinu nuuryoo jaanta isla qaadeen
jaliil waxaan baryaayaa inaad joharad noqotaa
jiro iyo dhib arago jacaylkoodu midha dhalo
sida jaawa geeloo jeel xiisa qaba iyo jamashadaad
wadaagtaan

Exit mobile version