Dubkaan igu yaaloow
Mar horaa dushiisaa
La igu daadshay malaboo
Anoo dayay oo
Ka dan baxay jacaylkaba
Caashaq ani igu soo dagaayee
I darbeeyay waa maxay

Sawtaan u digayee
Dabuubtii dhexdeeniyo
Dooxayadii banaanaa
Ku dabaalaa caashaqa
Hore ugu dardaarmay

Dhiigi nafsiga wadayeey
Ina kaariyoon dirayeey
Iga rogashadiisii
Ma anuu igu soo dagayee
Ma anuu igu soo dagayee

Dinnihiisu kululaa
Diirdiiranaayoo
Dabuudiisu adagaa
Ma mid dayr cad geeliyo
Dambar lagu canqariyoo
Duulaan u kacaybaa

Anoo dayaxa dhaafoo
Dunidaba ka tagaybuu
dusha igaga yimiyee
Duulaan la marigiyo
Ma dabaylahaad sidaa
Aya iga dabiiboo dadoow
Ayaa iga dulqaada dadoow
Aya iga dabiiboo
Daawadiisa heli kara
Aya iga dabiiboo
Daawadiisa heli kara

Exit mobile version