laba meher xalaaliyo
ku midoobay dookhuu
mataaneeyay calafku
maaxdii jacaylkiyo
midhihii kalsoonida
laba wada macaansaday
waa maxamed sharaf
iyo marwadiisa nimco qurux

inta guur muhatee
aroos loo mashxarado
iyagaa u mudanoo
xaashee u magac dheer

anaguna mabsuudnoo
mabruukbaanu leenahay

awlaad muciin loo
muslinimo ku dhaqantana
mawle ha idan siiyee
u mitida jacaylkiyo
xibiga dhexdeena

laba wada maushaaxo
miyiriyo ismaqaliyo
maamuus ku dhaqanto
meeqamka noloshana
meel wacan ka gaadhoo
farxad wada magawsaday
waa maxamed sharaf
iyo marwadiisa nimco qurux

ma huraanka caashaqa
muraadkiisa maaloo
muunad wacan hargaysiyo
togdheer looga mahadshow

Exit mobile version