laba labaa loo loolamaa
laba labaa loo laacdamaa
laba labaa loo wada socdaa

lagaygiyo beerka laxawga kalgacaylk
adaa kuligood ku laasimee

amba lama doodkiyo laqanyada caashaqa
ii lalabaysoo waan liitaa

layliyo qays runtii canterceel
kii laayee luxudka cilmi dhigay
ana igu ligan

isii laxaadkiyo luuqa
labiska quruxdaada
ladnaanta jacaylka
laluulkiyo dahabka
garaaraha looba
laafyaha socodka
lama huraan boodaa

laba labaa laydhsiga habeen
laba labaa leexada jacayl
laba labaa loo saaran yahay

lurtiisa jacaylka ladi waayo
adaa ilunshoo laxaa ila tagee

Exit mobile version