gabadha soo galbiyaay
guud xariireey
gayaankeediibaa helayee

gabadhu waa idiloo
geesi uu dhaliy iyo
gaaridii dumare

geedka wiil yimidow
gob gobkiiyow
gudoon xulashadaadiiye

golaha loo bilay iyo
goobta loo wado
ALLOW guri barwaaqeede

gabadha loo bogay iyo
gabano khayreed
ALLOW sii gurbood wacaneey

ginida lacageed iyo
guunyo xoolaad
GUULOW hantina siiyeey

hooy inaadeereey
idil habooneey
arooskiina aamiineey

waa akhyaar cabdiyo
say amaanle
arooskiina aamiineey

aqalku idiin bilayeey
ila xidh joogleey
arooskiina aamineey

hablo asaageediyo
ayni ka roonay
ALLAHAYAW adeeg wacaney

arbayaal kaca oo
eega taladee
ALLAHATAW na aamina ee

il wax cawridiyo
uur nacayb lihi
ALLAW YAY asiibine

Exit mobile version