ilaah baa caadilee waxaan cidiba jirin iyo walow calaf yahay nasiib hadana cugashada naftani

cindigu meeshuu rabiyo ruuxay ku calool santahee iyadu calmataa haboon inay la caweesintee

cirka malahii deeqow casiis baa mahadleh

yarkaan calan kuu sudhiyo waaban weheshaday cadnaan

ilaah baa caadilee waxan curaaf koobin iyo walow cishqi yahay dareen hadana ciirsiga kalgacal

caqligu wehel kuu tabiyo ruuxaad ciilka u qabtee qalbigu codsadaa ku wacan inay inuu kaa caawiyee

cirka malahii deeqow casiis baa mahadleh

yarkaan calan kuu sudhiyo waaban weheshaday cadnaan

Exit mobile version