Heesta Dar daaran - Lyrics
Duxaad waa ideeyiyo
Waa hees dardaarana
Dareenkii miskiinkiyo
Waa dabuubtii maatada
Dadka duubka ku xidhay
Qaarbaan dab loo shidin
Dadka duubka ku xidhay
Qaarbaan dab loo shidin
Dayrtiyo barbaartii
Baad ahayd ku daatay een
Dibjirkoodii wadhan
Darbiyada habeenkii
Dibjirkoodii wadhan
Darbiyada habeenkii
2×
Mii uu daabayshaday
Laga ooday daaqii
Biyahay dawarayaan
Dawarayaan
Ay tustooy ku doorteen
Adna wey ku dayayaan
2×
Ma aaday dadkooduye
Waa diiqo ha is odhan
Dad haday ku moodeen
Adna daacad ugu tali
Ugu tali
Adna daacad ugu tali
2×
Daadihi agoontiyo
Dablihiyo shaqaalaha
Dan yar tabashadeediyo
Guul umaanaa ogsoonoow
2×
Samahay dalbanayaan
Adna dayro ha ka dhigin
Umadaa kuu diratee ku diratee
Dibuu dhacan ka maaree
Umadaa kuu diratee ku diratee
Dibuu dhacan ka maaree
2×