VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhaygag - Lyrics

dhalintaydii madhatoo dhibaatiyo rafaad iyo tahriib baa dhamaysoo inta dhaawac iyo halis ama dhaygag iyo yaab uu ku dhaafay waayuhu hadii aan u dhaba galo tiro kuma dhamayn karo qofkii dhiidhiyaayee dhakafaar daraadii shanta dhabanka saaroow waxa taana ii dheer dhaqankiyo hidaha lumay inta dhimatay waa hore inta dhacantee kale inta sii dhurmaysee saxaruhu dhabaan dhabay inta dhooli lagu guray dhakhtarada ku daadshen dhacdiidka u jiifana dhaygagbaad u go aysaa waa su aal dhib way waynoo jawaab dhaba u baahane madaxyahay dhugoo maqal sida dhidar xabaal helay magafaan ka dhigane dhalinteenii heensaday dhawaaq lagu bad baadiyo dhamaan miyaad u wayden
Queue is empty
-- / --