Heesta Gudcur dama - Lyrics
Gudcur dama habeen
Dadan oo dacalka
Muuqdiyo danab iyo
Hilaac loo x2
Dayaxiyo xidigahoo
Nuurka isku daray iyo
Ilayskii isbiirsaday
X2
Aragiisa kaan ku il
Dogsadow markaan
Dayo dhankaagaba
Farxad baan dareema
Dawadii naftaydow
X2
Qalbigaad ladaristoo
Kuma dayn karaayee
Duhur iyo habeen adigan
Ku doonaa raacdada ku
Daalee rabi hayna kulan
Siiyo x2
Dhulkoo doogu siman
Tahay ubaxuna dilaaco
Dhirtu malab da'aysoo
Dirirkuna inoo da'ay
X2
Dalmarow sideedaad
Maan kayga deeqdee
Ragba kaan kadoortow
X2
Aragiisa kaan ku il
Dogsadow markaan
Dayo dhankaagaba
Farxad baan dareema
Dawadii naftaydow
X2
Qalbigaad ladaristoo
Kuma dayn karaayee
Duhur iyo habeen adigan
Ku doonaa raacdada ku
Daalee kariim hayna
Kulan siiyo x2