Heesta Guusha - Lyrics
garnaqsiga ogow guurtida shirkiyo geedkii fadhida xaajada gorfayn
ninba garashadii golohii kayidhi arin kula guracan gara oo dhigaa
golxo lama lehee idil waan gayaa hadaan guursadana idin kuma gafine
gacan qaad ka dhacay meher yahay go'aan geesigii kudhalay gobaad hooyadaa galad ugu hayaa
kalgacal gamuun gantaal iyo falaadh wadnahaaga ganay dhiig gobo'o kayiri
gaawaha ma ligan goortaad dhan tidhi hagudoon sadee halgan baan ugalay
ehel keena guud aabayaashu gaar bal isguursigeen gaf inuu ahayn ha garwaaq sadeen
nin gayaan kaa ah galbis iyo aroos geesigii ku dhalay gobaad hooyadaa guusha udaa