Heesta Hanadow - Lyrics
Sida geel haraad qaba
Oo heego roob iyo
Hilaac uu umuuqdaa
X2
Hiyi kacay dartaayoo
Wadnaha i han qaadh--
Ayoo hibaaq baxay
Lamoodyow adaa ii
Hiraayee x2
Hurda seexan waayee
Hanadow hanadoow
Hadimada kalgacalka
Leh hanadow hanadow
Hadmaad iga bogsiinoo
Hanadow hanadow iiga
Hiilin doontaa x2
Sidaad tahay hirdoog
Leh ama howd caleen
Leh naftu kuu hilowdo
X2
Hami igu abuurtoo
Hubqaadkaa wacan
Iyo quruxdaada hodan
Ka ah igu karan weeyan
X2
Hurda seexan waayee
Hanadow hanadoow
Hadimada kalgacalka
Leh hanadow hanadow
Hadmaad iga bogsiinoo
Hanadow hanadow iiga
Hiilin doontaa x2