hooyoooy udgoonkiyo
asalkaan ka beermaay
unugyada jidhkaygiyo
nafta laga abqaalaay
aasaaskii noloshaay

hooyooy iftiiniyo
adigaa ugbaadee
hadaan lagu abuureen
aadamuhu ma joogeen

intaad hooyo nooshay
ruuxaan ku aragoo
indho doogsi waaya
raaxada aduunyada
qof ka ooman weeyee

hooyooy aduunyada
axad kuu abaal guda
abid lama arkaayee
aakhiro fardawsiyo
anbiyada la jaar noqo

Exit mobile version