VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jamashada kalgacal - Lyrics

jamaalkiyo jaahaaga guud joogaagiyo jalaqsanaanta jaleecada dhaayahaygu aday kuu jeelan yihiine jihee jamashada kalgacalka siday naftu kuula jaartahay dareenkuna kuugu jeedo ogow caashaqan i jiitay jalbeebta wadoo ha joojin ha jabin wacadkoo ha jiidhin qalbiga jeex aan ku siiyey adoon jirabayn u joogso hirbaad tahay doogu jiifo dareenka adaa jilaabtay kashaa kugu jeeni qaaran adaa jir jirada bogayga ka jeexday wadiiqo caashaq siduu ii yidhi ha jeedsan siduu jiro iigu beeray u diid jaan rogan xagaaga
Queue is empty
-- / --