Legga iyo wadnahaa
Jacayl laacayoo
Qalbigayga lulayee
Adaa igu laroo
Qalbigayga lulay

Adigaan labkaba
Kugu laaqsamoo
Libin aan ka sugayaa
Adigaan ladnaan
Liibaan kalgacal
Kula loolsamee

Miyaan laayacaa
Axdigana lunshaa
Liidaa naftoo naftoo
Ku luggooyn karaaa

Sidaa aar libaax
Jacayl soo laloo
Cidi looxin karin
Adaa ii lagdoo
Lahashada i baday

Adigaa lubiga
Lahashada kalgacal
Laabtaydi hanatee

Adigaan lix jeer
laylkii hurdada
Farxad kula lamaan

Miyaan laayacaa
Axdigana lunshaa
Liidaa naftoo naftoo
Ku luggooyn karaaa

Exit mobile version