nafjacayl dartaa
ku nagaadayo
niyadeedu tahay
guuriyo nasteex
nolol qaybsi hela

nuuroow qalbiga
cishqi naaxiyaha
adi kugu nastee

nitaaqada ka dhawr
noloshayda iyo
naftaydaad tahoo
kuma nici karee

nasab khayr qaboo
nugul oomaniyo
sow naar afuuf
nabar caashaqiyo
nudub kuma xasilo

neecow udgoon
naqa doojiyaa
naxariis watoo
nimco lagu helaa

noloshaydiiyoow
nabdigaad degtoo
kuma nici karee

Exit mobile version