Heesta Wacad - Lyrics
samirkiyo dulqaadkuba
waa sad lagu ducaystee
SAATIR laga baryaana
lama wada sinaadee
ruuxu eebe siiyana
cidi kama saraysee
kii aan kii aan sugaayow
wacadkii ma saydhine waan sidaa
saadaal wacnaantaan
sacabada u tumayee
sareediyo ladnaantuba
waa saami qayboo
MAWLUHU ku siiyaa
ana maan saluugine