VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xasuusta jacayl - Lyrics

jacaylbaan xanbaaray xoog badanoo xaashee hurdadii xamili waayoo xajiinta cishqigee jidhkaygaa xulaa inaan xal u helo u xusul duubnahay xajiinta cishqigee jidhkaaga xulaaa inaan xal u u helo u xusul duubahay ragba kaan ka xusheen qalbiga ku xardhaw xafiday cishqigii dhexdeenee xagaaga adkee xagaaga ogow xusuusta jacayl xunuun badanaa anoo xaasilaa xiisaha caashaqa xubnaha gidigood xadreeyaanoo wixii xisku tabay soo xaadirayaan xubnuhu gidigood xadreeyaanoo wixii xisku tabay soo xaadirayaan dumar taan ka xusheen qalbiga ku xardhaay xafiday xubigii dhexdeenee xabiibtii gudoon xayaati gudoon jacayl xurmadii waxaan ku xamdiyaaa xanaanada qoys xaqooda kuwii xilkooda gutoo xoreeya naftoo intay xasilaan xareed harqadee ragba kaan ka xusheen qalbiga ku xardhaw xafiday cishqigii dhexdeenee xagaaga adkee xagaaga ogow xarakaadka jacayl xamaasad badnaa xiskiyo maankuu ku xeeranyahoo naftaan xakamayn xiisaha qalbigoo xidhiidhika dhexdeena xalbaan u arkaa dumar taan ka xusheen qalbiga ku xardhaay xafiday xubigii dhexdeenee xabiibtii gudoon xayaati gudoon
Queue is empty
-- / --