Sirtay nolol adduunyoo
Saadaasha wacaniyo
Samirkeeeda weeyaan

Ma salguuro dhaqankii
Saableyda xididkiyo
sarta loo adkeeyee

Toloow saaka caashaqan
Sahal iigu dhacaayeee
Maba sabay jirkaygii

Naftuu may saluuginee
Maandhaa sarcaduudaa
Mise waa sabii kaan
Samaan kuwaaree

Sida ceer udugeed
Sanku neeflahoo dhami
Kala saami weeyaan

Suuldhabaale heelladaa
Seygii waxgaradii
Sabateed ma moogee

Sooyaalka caashaqan
Siddig iigu kaa xiray
Adna ku soo ridoo

Naftuu may saluuginee
Maandhaa sarcaduudaa
Mise waa sabii kaan
Samaan kuwaaree

Exit mobile version