amba qaadka sheekada
runtii aniga oon baran
baabkiisa caashaqu
wali ii bilaabnayn

oo baydkan ku aba bartiyo
baradii la igu dhalay
irideeda bari qudha
baalnaba u dhaafin waligay

adaa ii baaqay anigo badqaboo
iga furay albaabadii jacaylke
iibaanoo ha iga baydhin

beer nugaylka aawadaa
igu balaadhay wiilyohow
baaxaa dagii suna
uu bagayga saan saday

adaa beerkiyo badankiyo wadnaha
boholyowga dookhiyo
ku abuuray caashaqan
dhex bariistay maankiyo qalbiga

adaa iibaaqay anigoo bad qaboo
iga furay albaabadii jacaylkee
ii baanoo ha iga baydhin
by masuul.com

Exit mobile version