Heesta Galbis - Lyrics
waa wiil iyo gabadh
gacal iyo xigaal
waa gob wada dhashoo
waa gayaan is jecel
hooyo gaari iyo
aabo geesiya
soo gardaadiyo
waa dhalad guniyo iyo baar
guulow allow
gambinay anagu
aqalkay galaan
goob raaxo lehiyo
guryo same ka yeel
guulo allow
goor iyo ayaan
galad iyo samo
ugu gargaar
waa goob camiran
gambis iyo aroos
gaaf weeye mudan
waa goob weeye sharaxan
duco aan gudhayn
aan u gududnayee
gurad iyo caruur
aallow u gargaar
guulow allow
gambinay anagu
aqalkay galaan
goob raaxo lehiyo
guryo same ka yeel
guulo allow
goor iyo ayaan
galad iyo samo
ugu gargaar