Heesta Nafta - Lyrics
u ololay sidaan ahay
iridhabanka geeloo
sida ruux abaydina
u ilmeeyay goortaan
aragaaga waayee
naftaydaa agtaaduun
agjoogaaga jeceloo
aduunbaa i hortaagane
intaad dunida joogtiyo
ifka intaad ku nooshay
adigaan ku jecelehee
adna taa qiraha gali
sida ubax gu'yaystoo
udgoonkiyo riixdii
aadmigu jaclaystaa
ana iga dhigantee
sideen kuu ilaawaa
indhahaygu ruux kale
ilayn adiga mooyee
ma arkaan adoo nool