xasuusta jacayl xanuun badanaa
anoo xasilaa xiisaha caashaqa
xubnuhu gidigood xadreeyaanoo
wixii xisku tabay soo xaadiriyaan
dumartaan ka xushee qalbiga ku xardhaay
xafiday cishqigii dhexdene xabiibti gudoon

jacayl baan xambaaray xoog badanoo
xaashee hurdadii xamili waayoo
xajiinta cishqigee jidhkayga xulaan
inaan xal u helo u xusul duubnahay
raga kaan ka xushee qalbiga ku xardhoow
xafiday cishqigii dhexdeene xagaaga adkee

xarakaadka jacayl xamaasad badnaa
xiskiyo maanku ku xeranyoo
naftaan xakamayn xiisaha qalbigoo
xidhiidhka danteena xal baan u arkaa
dumar taan ka xushee qalbiga ku xardhaay
xafiday cishqigii dhexdeena xabiibti gudoon

jacayl xurmadi waxaa ku xamdiya
xanaanada qoysk xilkooda kuwii
xilkooda gutee xoreeyay naftoo
intay xasilaan xareed hirqadee
ragba kaan ka xushee qalbiga ku xardhoow
xafiday cishqigii dhexdeeene xagaaga ogoow

Exit mobile version