Heesta Garasho - Lyrics
Garashiyo xaqdhawrbaa
Guri lagu dhisaayoo
Reer lagu gardaadshaa
Adiguna gayaaniyo
Garabkii ma noqotide
Ila guuri mayside
Galad kaama sugayoo
Kuu garaabi maaye
Gar qaado gar qaado
inanyahaw gar qaado
Intaan geeri kugu iman
Ama gabalka kugu dhicin
Xilo kula garaadoo
Gacal kula wadaagoo
Oo kula gucleeya bal
Ka goobo qayrkaa
Intaan gaari wacanoo
Gabar qiimo waynloo
Waa loo go'aayee
Kuma gooni yeeline
Galadaa aduunbaa
Isu gabagabeeyee
Guubaabo beeniyo
Hadba gaaf wareega
Garqaado gar qaado
Inanyahaw gar qaado
Intaan geeri kugu iman
Ama gabalka kugu dhicin
Xilo kula garaadoo
Gacal kula wadaagoo
Oo kula gucleeya bal
Ka goobo qayrkaa