naftaydu hiyi kacdoo
hobeey maalmahan qalbiga
hilaacbaa bilig u yiri
anigoo xalay hurdaa
hilowgii i toosiyoo
hedhe waxaan doonayaa
hanad inankaan ka helay

hooskaygaan ku moodayaa
hadalkaagaagan maqlaa
harawiyo saylacbaan
heela kaaga tumayaa

hufnaanbaa lagu korshoo
waxaan hale hale idhaa
markuu qunyar heesayee

halaasiga luuqdabaan
inaba lagu haysanoo
halyay garashuu ka yahay
hurmuud jiilbuu u yahay

Exit mobile version