Heesta Soociyaar - Lyrics
Cir habeen da'oo
Curtoo hooraybaa
Soo celceliyay dhibicii
Calcalyo xareed
Iyo cimiladyahan
Cag la saarin wali
Caynadoodiibaad
Cabdow u eegtahoo
Cindi nuuriyow
Waan ku caashaqee
Soo ciyaar soo ciyaar
Soo ciyaar cabdaw kulmiyow
Cagta caalin kaama galee
Soo ciyaar cabdow ila soo ciyaar
Soo ciyaar dhaantada ila soo ciyaar
Naf ku calmatoo
Caashaq kuu qabtoo
Kuu cadilan adiga
Cisi iyo wanaag
Iyo calool samaan
Caabanbaan ahee
Cudur daar la'aan
Cabdaw soo ciyaar
Cindi nuuriyoow
Waan ku caashaqee
Soo ciyaar soo ciyaar
Soo ciyaar cabdaw kulmiyow
Cagta caalin kaama galee
Soo ciyaar cabdow ila soo ciyaar
Soo ciyaar dhaantada ila soo ciyaar