VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Caashaq - Lyrics

Geesi samirleh baa tahay Gacantiisu furantahoo Markastaba cibaadada Garansiiyay weeynuhu Gardaradana neceboo Gafka qaadan karinoo Godab aan lahayniyo Gaban daacadaad tahay Garyaqaan caddiyahoo Geedka loogu tago oo Go'aankiisu adagyahay Xikmad guweeyn baa tahay Kaama xiiso go ayoo Goortii aan kuhalacsaday Godlay caashaqeennuyee Gaarii sharafleh baa tahay Gacalooy edaabtiyo Xishoodkeeda gaarkaa Garbasaarta aan dhigin Geyaankeed kawacanoo Gabdha lala simi karin Golajoogsi quruxliyo Garashiyo aqoon badan Duca waalid guratoo Faralkiina gudatoo Garanaysa dhaqankiyo Waxaa tahay gob qaaliya Kaama xiisa go ayoo Goortii aan ku halacsaday Godlay caashaqeennuyee.....
Queue is empty
-- / --