ragaw dumarkii hadaad dayacdaan
dulqaadkii hadaad daluun ka ridaan
hadaad daacadnimo ka sii durugtaan
haday dilalyada ilmada duugan

boogaha kalgacaylka hadaad daartaan
xil wayna dumadiina aad dul dhigtaan
hadaydaan dawayninoo damqadaan
danbiba ka baqayn danbeeya hadhaw

darbaa carmal loo dalqadoo la furoo
daryeel iyo waayay ruux dajiyoo
dartiin guryihii ka baxayoo
darbaa cishqigiin loo dayriyee
dumarku duunyo uun ma doonaane
dhaqaniyo dadnimay u dudayaane
damiirku hadmuu ragow dabcayaa

ragaw dumarkii hadaad dulmidaan
nolosha dacalkiinaa dayacdaan
doodiyo hadal daalana daldashaan
haday dudmo iyo dagaal ku jiraan

hablaha dunta wacan maxaad la dagteen
dunidu socotee maxaad dib dhacdeen
maxaa laba diran waqtigu isu daray
is doorta hadana is diida dhex taal

dabca ragaw dabca dabca

Exit mobile version