fogaataye soo dhawoow
dharaarana ila dalxiis
dhib iyo dheef ila wadaag
dhib iyo dheef ila wadaag
2x

cidloodaye so dhaqaaq
dhawaan inabad imoow
dhakhsoo ii soo dadaal
dhakhsoo dhakhsoo ii soo dadaal
2x

ku dhawrtaye ubaxa gudoon
dhagayso naftoo hab sii
dhawaaqa wadnaha dareen
dhawaaqa wadnaha dareen
dhawaaqa wadnaha dareen
2x

dhankayga mar soo istaag
qurbiyo dhaxan soo cidlee
dhulkeena mar soo jaleec
dhulkeena mar soo jaleec
2x

naftayda jacayl dhansii
dhigay caashaqa ku dayr
ka maaran dartay u dhaaf
kamaa ka maaran dartay u dhaaf
2x

ku dhawrtaye ubaxa gudoon
dhagayso naftoo hab sii
dhawaaqa wadnaha dareen
dhawaaqa wadnaha dareen
dhawaaqa wadnaha dareen
2x

Exit mobile version