Hiyiga isku jiidad markeena
Su,aal isku jiidh naxeena
Jawaab isku oofinteena
Jawaab isku oofinteena

Indhaha isku jeel qabkeena
Jaleeca ku doogsigeena
Hamiga wada joogisteena
Jawiga deganaanshaheena
Farxadda isku jiibinteena
Janada wada doonideeda

Xiskii dookh wada jirkeena
Jacayl sanad guuradeena
Xiskii dookh wada jirkeena
Jacayl sanad guuradeena
Aan jarno xuska keeg jarkiisa
Aan jarno xuska keeg jarkiisa

Ubaxa jaadba jaad akteena
Hareera ag joogsigeena
Jookhnaan wada laydhsigeena
Jookhnaan wada laydhsigeena

Xidhiidh jawhara dhexdeena
Muxibo wada jaasideena
Ma yahay hada jaaniskeena

Jardiimaha laabaheena
Midkeenba kol jiifsigeena
Jidiin wada qeybsigeena
Nafaha isku jeexideena
Midkeenba jab haysigeena
Laf iyo jiidh noqoshadeena

Xiskii dookh wada jirkeena
Jacayl sanad guuradeena
Xiskii dookh wada jirkeena
Jacayl sanad guuradeena
Aan jarno xuska keeg jarkiisa
Aan jarno xuska keeg jarkiisa

Exit mobile version