adoo hiil iyo hoba
hareertayda lataagan
sideebaan haragdaamo
kuugu quudhi hantaaqo

adigoo ihanqaarin
adigoo hadal taagan
aan habeen igu tuurin
iihibaysay naftaada

hankaygaad nabnabtaaye
sidaad iigu hibaysay
ana huuno kudhaartay
hadhaagayga aduunka
hortaadaan ku dhamyasan

hadalo mudan huno
ma jiraan wax hagaage
waxaan soo hamiyaaba
manta saw kuma haysto

markii aad hagaran wayday
hanatee ladadaashay
saw hadaydu hadeeda
kaftan may uga dhaaran

hankaygaad nabnabtaaye
sidaad iigu hibaysay
ana huuno kudhaartay
hadhaagayga aduunka
hortaadaan ku dhamyasan

Exit mobile version