VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Maanta saw kuma haysto - Lyrics

Adoo hiiliyo hooba hareertayda la taagan Sideebaan hagardaamo Kuugu quudhi hantaaqo Kuugu quudhi hantaaqo 2x Adigoon i hanqarin Adigoon hadal taagan Aan habeen igu tuurin Ii hibaysay naftaada 2x Hankaygaad nabnabtaaye Sidaad iigu hibaysay Ana huuno ku dhaaran Hadhaagayga aduunka Hortaadaan ku dhamaysan 2x Hadaan loo mudan hawlo Ma jiraan wax hagaagee Waxaan soo hamiyaaba Maanta sow kuma haysto Maanta sow kuma haysto 2x Markii aad hakran weyday Hanitaad la dedaashay Dow hedaydu heedaada Dhufto may uga dhaaran 2x Hankaygaad nabnabtaaye Sidaad iigu hibaysay Ana huuno ku dhaaran Hadhaagayga aduunka Hortaadaan ku dhamaysan 4x
Queue is empty
-- / --