Heesta Maanta saw kuma haysto - Lyrics
Adoo hiiliyo hooba
hareertayda la taagan
Sideebaan hagardaamo
Kuugu quudhi hantaaqo
Kuugu quudhi hantaaqo
2x
Adigoon i hanqarin
Adigoon hadal taagan
Aan habeen igu tuurin
Ii hibaysay naftaada
2x
Hankaygaad nabnabtaaye
Sidaad iigu hibaysay
Ana huuno ku dhaaran
Hadhaagayga aduunka
Hortaadaan ku dhamaysan
2x
Hadaan loo mudan hawlo
Ma jiraan wax hagaagee
Waxaan soo hamiyaaba
Maanta sow kuma haysto
Maanta sow kuma haysto
2x
Markii aad hakran weyday
Hanitaad la dedaashay
Dow hedaydu heedaada
Dhufto may uga dhaaran
2x
Hankaygaad nabnabtaaye
Sidaad iigu hibaysay
Ana huuno ku dhaaran
Hadhaagayga aduunka
Hortaadaan ku dhamaysan
4x