VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Socdaal - Lyrics

Ma saxbaaa jacaylkani Nafta sabasabbeeyee Marka dhulka saaciyo Jiilaal saxarka duulaa Aan kalaba soocneeyn Mise waa socdaal dheer Sahan loogu maqan yahay Saadaashu waa dhabe Wixii aad sugaysaan Dhakhsa saani imaan Sahal uma nagaadoo Awgaa ku sugmee Mawaxaad qarsoon siroo Siduu xaalku kugu yahay Mawaxaad u samirtaa Marka ay sareediyo Naftu samir arkaysee Intuu arrin silloonyahay Qosal laguma seexdee Ani kumaba seexdee Kuma bogin sidaydaba Sifaheenna kala yaal Caashaqa saboolkee Aynaan kuwada sidin Qalbiyaal wada siman Sahal uma nagaadoo Awgaa ku sugmee Mawaxaad qarsoon siroo Siduu xaalku kugu yahay.
Queue is empty
-- / --