VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ubax iyo talo - Lyrics

Wadnayaal is tabaayiyo Jacayl tabaqaaday iyoo Wanaag aan tusmaystiyo Taladoo mida baan ogaa Qalbiyo istaageersadiyo Lammaane isku tiirsadoo Xusuus taxan yeelatiyo Taariikh mudan baan ogaa Aayahan taagmee ogeeyn Taalliyo ubax laga lulay Tasoow waa adigan gashee Wixii aan ku taami jiray Matiix qaday buu ahaaa Geyaaan istilmaansadiyoo Tacabka loo hagar baxiyo Galkacalkoo tanaaday iyoo Xiriir taxan baan ogaa Kalsooni tusaysan iyoo Guushoo aynu taagno iyoo Axdigoo tamar weeyn lihiyoo Tixraac cishqibaan ogaa Aayahaan taagnee ogeeyn Taalliyo ubax laga lulay Tasoow waa adigan gashee Wixii aan ku taami jiray Ma tiix qaday buu ahaa
Queue is empty
-- / --