VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Walaanimo Qabiileesan - Lyrics

Qosol la'iska keen keeno
Qab la'isku oranaayo
Qiiro been ah oon joogin
Walaalnimo qabiileesan
Iyo qaxar ku siideesi
Ruuxna qiima kuma yeesho

Inkastoow qalooc badantahay
Dunidadana qabyo leedahay
Qofkasaaba calafkiisa
Qof kale ma qaadaayo

Qalbi dhaba jacayl toosan
Qunyar socod wanaag qeer leh
Iyo qool samaanteena
Qaxar ruuxa guuleesata
Ee qeeb janada dagaya
ILAAHAYNA qadineenin

Qiimahiisa ruux dhowray
Ragg go'aan ka qaadanaaya
Qorshihiisa gaarka ah
Qudha ruuxa ugooynayaa
Guriga uu ku qaan gaaray
Ruux qaraf la hoos taagan

Ilayn qaayo kuma yeesho
Qorshihii ma soconaayo
Ifka kuma qaboobaayo
Qabriguna ma deeqaayo
Ifka ifka
kuma qaboobaayo
Qabriguna ma deeqaayo

Wallee qaayo kuma yeesho
Qorshihii ma soconaayo
Ifka kuma qaboobaayo
Qabriguna ma deeqaayo

Qalbi dhaba jacayl toosan
Qunyar socod wanaag qeer leh
Iyo qool samaanteena
Qaxar ruuxa guuleesata
Ee qeeb janada dagaya
ILAAHAYNA qadineenin

Queue is empty
-- / --