aduunyada intaan joogo
sikastoon ujabo maalin
cadaw jaanis iga hasta
uma beer jileecaayo

markii lay jidh diidaayo
qosolbaan ku jagac siini
hadii layga wada jeesto
waa maya jawaabtaydu

intuu jiro arwaax daydu
farxad baan ku jirayaaye
jacal iyo nacab toona
waxba layga jari maayo

aadmiga hadee jooga
is jiid jiid madaynaayo
intaan hasto jawigayag
qofna igama jiidhaayo

markii lay jikaaraayo
muudhbaan ku jirayaa
hadii layga wada jeesto
dhagba jalaq usiin maayo

Exit mobile version