Heesta Muqdisho - Lyrics
dhacdadii la soo maray dhiigiyo dhibaatada
dhaawicii bogsooyoo waynagaa dhamaantood
dalku waa dhismaayaa
dhurwaagii dhamaaye dhalanteedka moodow
dawladii dhaqaaqdoo dhalatoo tisqaadee
muqdishana dhamaanteed dhankastood ka eegtaba
ubax wada dhalaaliyo dhismayaal qurxoonbay
dhaayuhu ku dhu doogtaan dhugo oo bal soo eeg
dhaqankeenu waa sharaf dhabtii la isku raacoo
dheef waxaan ku soo koray dhay iyo gadhoodh iyo
subag haama lala dhigay
dhulku waa dhulkeenii dheemanbaa ka buuxoo
waa dhaxal awoowoo waa inaad ka dhurataa