dheemaneey daraada saqda dhexe habeenkii
hurdo waan ka dheerahay dhaayahaygu may arag
gabadh aan ku dhaafsado bal dhagayso sheekadan

sidaan ahay dhalaanbaan dhibsanaayey socodkoo
hablahana dhamaantood uga dhoofay awgaa
habeenkaad dhaqaaqdaa dhibka la igu beeree
dheemaneey nafsibaa i dhaaboo dhexda iigu marano
wadnahaad ku dhigantee
waxaan dhawrayaa wali oo aanan dheerayn
dhabta inaan ku saaroo hawlaha dhamaynee
soo dhawoow dheemaneey dhexda aan ku qabtee
dhankan soo istaagoo ila dheel dheemaneey
dhidid kaaga keenee dhimashaa jirtoon dhibsanayno kuligen

cishqibaa i dhaaboo igu kaa dhadhaaboo dhidibada aastoo
dhexda iigu maranoo habeenkaad dhaqaaqdaa dhibka la igu beeree
adigaan ku dhugtoo ku dhawranaayo dhabarkaa isoo aadiyee

dhayal dhayal sheekadan ha ka dhigin wax le dhamaan iyo
haka dhigin dheele
wiridiyo dhiiladaa wakhtigayga dumiyoo dhadhabaaye aawada
dhaxalkeeda noqotoo halbawlaha dheefkiyo kala xidhay dhuunki
qisaduu i dhaafshoo iga riday dhawr jeer iga dhigay dhoohane

dhabtii caashaqaan la dhuudhuubmaye dhawristaadiiban la sii dheeliye
jacaylkaa i dhaawacee iga daa dheedheeli dhaawadee

Exit mobile version