VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhibatada waa la iska dhaafaa - Lyrics

dhibaatada wa la iska dhaafaa dadkaaga loo dhintaa dhulkaa lla fiirsadaa dhexda waa loo xidhaa dhalinyaroow dhabta hadalkiyo dhawr ujeedada dhaxal awoowaha dhulkii weeyaan dhirif cadaawha aan dhawaanee dadka dhaafnee dhisme qaran dumay aan dhabaynee dhulka qaadnee dayac iyo dhaxan dhaabadaynee aan dufaysnee gacanta ii dhiib dhuxana isii dhiiladaa raac dhawaqeenana yuu ku dhaafine wadnaha kuu dhoob dhabtaadana saar dhibaatada wa la iska dhaafaa dadkaaga loo dhintaa dhulkaa lla fiirsadaa dhexda waa loo xidhaa dhawaanayoo qaranimaan dhawrayaa nabad baan dhiraan dhirin dhabadeed qaadayaa dhaxantaa i haysa oo dhamacdeed gaartayoo dhayal taa ha moodine dhabtii waa iyadee dhalintaa heshiisayoo colaadihii dhamaystiray dhaawacii bogseeyayoo dhakhtaraaya boogaha dhibaatada wa la iska dhaafaa dadkaaga loo dhintaa dhulkaa lla fiirsadaa dhexda waa loo xidhaa dhagaha furo dhakhso maqashide hadal dheefoo waalid soo diray dhimbiilaha shiday durba kaa dhima dhafkaanad rabin dhakhso kaa dhiga dhalinta ha dilin nabadana dhawr wanaag dheeftide dhexda soo xiro ciyaar dheeshide dhaliilaha daa iyo dhawrtada waxba kuu dhibin dhaqalka ii dhiib dhabalkaa dhaaf dhumucda ha jarin dhaxan dayside dhibaatada wa la iska dhaafaa dadkaaga loo dhintaa dhulkaa lla fiirsadaa dhexda waa loo xidhaa
Queue is empty
-- / --